Allbanaadir.com
NEWS

Wafdi ka socda golaha amaanka Midowga Afrika oo Muqdisho yimid iyo ujeedada safarkooda

Xubno ka socda waaxda nabad gelyada ee ishoMidowga Afrika ayaa booqasho ku jooga Soomaaliya.

Wafdigan ayaa u kuurgalaya xaaladda ammaan ee Dalka iyo heerka uu gaarsiisan yahay gudashada waajibaadka xoogagga nabad ilaalinta AMISOM iyo Millitiriga Soomaaliya.

Wafdigan oo ka kooban Toban qof ayaa dalka joogi doona muddo Afar Cisho ah, waxanay kulammo kala duwan la yeelan doonaan saraakiisha ugu sarreysa AMISOM, xafiiska taageerada Soomaaliya ee UNSOS iyo wakiillada waddamada ay Soomaaliya ka joogaan Ciidamada.

Xubanahan Socdaalkooda waxay diiradda ku saari doonaa arrimo badan oo ay ka mid yihiin hawlaha nabad-ilaalinta, guulaha la gaaray, caqabadaha ka jira Soomaaliya iyo sidii ay masuuliyadda ammaanka dalka ula wareegi lahaayeen Ciidamada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Booliska Muqdisho oo xabsiga dhigay rag dhac hubeysan geysanayey

Caydiid Ali

Soomaali dil bareer ah ka geystay Jarmalka iyo Booliska dalkaas oo ka hadlay

Caydiid Ali

Soomaaliya oo saxiixay heshiis looga cafinayo lacag deyn ah oo dhan 1.2 Bilyan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---