Allbanaadir.com
NEWS

Booliska Maamulka Galmudug oo ku hanjabay shaqo joojin iyo sababta ka dambeysa

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowlad goboleedka Galmudug ayaa ka cabanaya mushaar la’aan muddo dheer soo jiitameysay taasoo ay sheegeen ineysan jirin cid wax ka qabaneysa.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Galmudug oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in muddo saddex sano ah aysan helin wax mushaar ah isla markaana aysan jirin cid ka jawaabtay cabashadooda.

Waxay sheegeen inay ku shaqeeyaan duruufo adag oo ay ka mid yihiin daryeel xumo, Mushaar la’aan iyo xaalado kale, waxayna dalbadeen in Madaxda Galmudug ay cabashadooda wax ka qabtaan, iyagoo ku hanajabay haddii aan dhibaatada heysata waxba laga qaban iney sameyn doonaan shaqo joojin.

Ciidamadan ayaa waxay gaarayaan ku dhawaad 300 oo Askari oo ka howlgala degaano hoos taga dowlad goboleedka Galmudug, illaa haddana masuuliyiinta sare ee maamulkaas kama hadlin arintan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Xildhibaanada Galmudug oo telefanada dansaday & dad badan oo baadi goobaya

Caydiid Ali

Ruushka oo ka carrooday Hadal kasoo yeeray Madaxweyne Biden oo la xariiray Xamaas

Cabdi Cade

Xamaas oo weerar ku dishay Askar badan oo Israel ah iyo fashil ku yimid Wadahadalo socday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---