Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xildhibaan Fiqi: “Shaqsiyaad talada dalka isku koobay ayaa sababay xaalku halka uu marayo”

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan xubnaha baarlamanka federaalka Somalia ayaa sheegay in Madaxda dowlada Somalia ku eedeeyey iney masuul ka yihiin xiriirka xumaaday ee Kenya iyo Somalia.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook ayuu ku sheegay in go’aanka ay qaadatay Kenya ay sabab u tahay dowlada Somalia oo ka gaabisay iney Kenya ka qanciso waxyaabaha ay tabaneysay.

Hoos ka akhriso qoraalka xildhibaanka oo sidiisa u qoran.

YAAN LAGU HOR-ORDIN KOOX AYADU OROD DHEER, OOHINNA BADAN

Ma haboona In lagu hor ordo isla markaana ilama ahan in umadda ookiyaalaha indha-sarcaadka si fudud loogu geliyo, ayadoo caadifadooda kacsan laga faa’idaysanayo, waxaa ila quman In la sugo jawaabta ay bixiyaan madaxdii warqadda cabashada Kenya ay Soo gaartay 10 maalmood ka hor oo jawaabtu ka Soo bixi weyday illaa xaalku meesha uu hadda marayo gaaray.

24 saacadood ayaa haddana ka Soo wareegtay go’aankii Kenya ay safiirkeeda u joogay Soomaaliya ugala badxey, kii Soomaaliyana dib loo Soo celiyey, illaa haddana uma maalaynayo In go’aanno ka Soo baxaya hey’ado dawladeed la sugayo waxaa la sugayaa waa shakhsiyaad dalka taladiis ayagu isku koobay oo saamaynta habdhaqankooda gurracan iyo siyaasad xumadoo ay dalka ku yeelanayaan aanba ka war-heyn.

Xaraaska shidaalka Soomaaliya lagu siinayey si sharci-darro ah oo mugdi ku jiro shirkado shisheeye dadkii sida indha la’aanta ku difaacayey In ay Maanta umadda isku hor oohiyaan cidna ka yeeli mayso qiiradaas jaban, balse In shirkadahaas iyo ciddii kale ee soo damacda kheyradka iyo dhulka Soomaaliya danta ay rabtaba ha ka yeelatee In laga daafaco oo meel looga Soo wada jeesto waa waajib, oo aan lagu halleyn shakhsiyaad aan xambaari karin mas’uuliyadaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax aad u xooggan oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Guddoomiyaya Aqalka Sare Oo Ka Qeyb Galay Shirka Midawga Musharrixiinta (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo wada dedaal dalka loogu soo celinayo boqolaal Qaxooti ah

Caydiid Ali