Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxda sare ee dowlada oo kulan xasaasi ah ku leh Villa Somalia

Kulan xasaasi ayaa xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho waxaa haatan uu uga socdaa madaxda sare ee dowlada Somalia, iyagoo ka arinsanaya xiisada ka soo korortay Kenya.

Waxaa kulankan ka qeyb galaya Madaxweynaha, Raisul-Wasaaraha, Gudoomiyaha Baarlamanka iyo la taliyeyaahooda arrimaha siyaasada iyo diblomaasiyadda.

Kulankan oo ah mid ay albaabadiu u xiran yihiin ayaa waxaa sidoo kale ka dhex muuqda Wasiirka arrimaha dibeda ee Somalia Axmed Ciise Cawad iyo danjiraha Somalia u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo saaka ku soo laabtay dalka.

Qodobada looga hadlayo kulanka waxaa ka mid ah jawaabtii laga bixin lahaa hab dhaqanka cusub ee ay la soo baxday dowlada Kenya, iyadoo go’aanka la qaadanayo laga eegayo dhinacyo badan.

Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ee galabta illaa caawa kulankan laga soo saaro War-murtiyeed looga falcelinayo talaabada ay qaaday dowlada Kenya oo lama filaan iyo yaab ku noqotay Soomaalida iyo guud ahaan caalamka.

La soco wixii ka soo kordha kulankan insha ALLAAH 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dayuurada Kenya Airways oo markii Sadexaad ka degi weysay garoonka Aden Caddulle

Caydiid Ali

 Ra’isul Wasaare Kheyre oo runta u sheegay Xildhibaano kala hadlayay Xariga C/raxmaan C/shakuur

admin

Sargaal kasoo goostay Al Shabaab oo lasoo bandhigay (Daawo Sawirada)

admin
Taboola Ads ---