Allbanaadir.com
NEWSSOMALILAND

Masuuliyiin katirsanaa maamulka Somaliland oo Musuq maasuq loo xiray

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland ayaa sheegaya in xabsiga la dhigay masuuliyiin hore oo katirsanaa maamulka Somaliland ,kuwaa oo loo heesto Musuq maasuq.

Ciidamada booliiska Somaliland ayaa xabsiga dhigay Maareeyihii hore ee Madbacada Qaranka Somaliland Saciid Saalax Shire iyo agaasimihii maamulka iyo Maaliyadda ee madbacada Qaranka Cabdikariin Cabdulaahi Cumar.

Labadan nin ayaa la sheegay in loo xiray musuq maasuq iyo wax isdaba marin ay ku kaceen intii ay maamulka hayeen, waxaana xubnahan dhawaan baaritaano ku sameeyay Hanti dhorwka Qaranka Somaliland.

Masuuliyiinta iyo saraakiisha maamulka Somaliland ayaan wali si rasmi ah uga hadlin xariga loo geestay masuuliyiintan lagu tuhmayo in ay falal musuq maasuq ah ku kaceen mududadii ay joogeen maamulka Madbacada Qaranka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qoyska Uhuru Kenyatta oo ergo u soo dirsaday Madaxweyne Ruto iyo Wasiir Ducaale oo…

Cabdi Cade

Wasiir dhawaan iska casilay Maamulka Koonfur Galbeed oo Go’aankiisi hore Badelay !!

Cabdi Cade

Waalidiin Soomaaliyeed oo loo heesto in ay gudeen Gabar yar oo ay dhaleen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---