Waxaa dhawaan markii ugu horeesay alif beeto iyo qoraal loo sameeyay Luqadda Sanna oo ah luqad carabi iyo Aramaic isku darsan ,waxaana luqadan looga hadlaa tuulada Kormakitis oo ku taalla jasiiradda Qubrus .
Hay’adda Unesco ayaa horey u sheegtay in luqaddaasi ay halis ugu jirto in ay qadka ka baxdo hadii aan la qorin, waxaana luqadan hada ku hadla dad gaaraya 800-qof oo kan u yar uu jiro 50-sano.
Dadkan ku hadla luqadan hada la qoray ee Sanna waxa ay awoow-yaashood jasiiradda Qubrus Yimaadeen qarnigii 8-daad, waxa ayna dadkan asal ahaan ay ka soo haajireen waddamada Suuriya, Lubnaan iyo Falastiin.
Waxaa olole luqadan lagu nooleenayo si aysan meesha uga bixin wada dadka ku hadla luqadan Sanna, waxa ayna dadkan sheegeen in luqadooda ay ka turjumeyso jiritaankooda iyo taariikhdooda.
Koox kamid ah dadka ku hadlka Luqada Sanna ayaa hada sameeyay alif beeto si caruurtooda u baraan luqadan, waxa ay sidoo kale wadaan kooxdan in luqada sanna ku turjumaan buugga luqado kale ku qoran.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com