Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Margot Wallstrom (Daawo Sawirada)

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad oo booqasho ku jooga dalka Sweden ayaa kulan la yeeshay dhigiisa dalkaasi Margot Wallstrom .

Kulanka labada Wasiir ayaa looga hadlay arimo dhowr ah ay kamid tahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada wadan ee Soomaaliya iyo Sweden, iyo sidii  dowlada Sweden u kordhin laheyd taageerada ay siiso dowlada Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga iyo Marwo Margot Wallström waxa ay tilmaameen muhiimadda ay leedahay wax wadaagga Soomaali iyo Sweden iyo dadaallada wadajirka ah ee lagu xoojinayo.

Dowlada Soomaaliya ayaa wada dadaalo ay ku xoojineyso xiriirka kala dhaxeeya qaar badan oo kamid ah wadamada caalamka ,waxa ay sidoo kale dowlada Federaalka raadineysa in taageero badan ka hesho wadamada reer Galbeedka iyo Carabta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan Shiikh oo Jen. Gordan ugu magac daray xeradii Damanyo

Caydiid Ali

Wasiirka Arimaga Dibadda Eritrea oo goordhaw gaaray magaalada Hargeya

Cabdi Cade

Wasiir muhiim ah oo katirsanaa Jubbaland oo isku casilay Cabdirashiid Janan Owgiis !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---