Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo caawa shaacisay in ay dileen Sadex askari oo Mareykan ah

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa saakay tiro madaafiic ah ku weeraray garoonka Diyaaradaha Bali-Doogle ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo ay saldhig weyn ku leeyihiin ciidamo ka socda dowlada Mareykanka.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaasi madaafiicda loo adeegsaday lagu dilay sadex askari oo Mareykan ah iyo shan askari oo katirsan ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ay tababareen Mareykanka.

Al Shabaab warka kasoo baxay oo lagu daabacay Warbaahintooda ayaa lagu sheegay in weerarka askarta Mareykanka ee ku dhimatay uu kamid ahaa taliyihii heestay Ciidanka Mareykanka ee ku sugan Saldhiga Bali-Doogle.

Dowlada Mareykanka iyo dowlada Federaalka Soomaaliya ayaan wali ka hadlin warkan kasoo baxay Al Shabaab ee ku aadan in weerarka Madaafiicda ku dileen Ciidamo Mareykan iyo Soomaali isugu jira.

Mareykanka ayaa saldhiga ugu weyn ee ciidankooda jooga Soomaaliya waxa uu kuyaala Garoonka Bali-doogle, waxaana saldhigan ka duulaan taga ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kumaandooska ee weerarada cirka iyo dhulka ku qaada goobaha Shabaab maamulaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaali loo diyaariyey la dagaalanka TPLF oo tababar ciidan loo soo xiray (Sawirro)

Caydiid Ali

Wariyaal Idaacada Al Shabaab u shaqeenayay oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Dilal kala duwan oo galabta iyo caawa ka dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho

Caydiid Ali