Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dil Argagax leh oo maanta ka dhacay Xaafad katirsan magaalada Muqdisho

Askari katirsan ciidanka dowlada Soomaaliya ayaa maanta dil argagax waxa uu xaafad katirsan degmada Yaqshiid ugu geestay hooyo Soomaaliyeed, kadib muran la sheegay in uu dhax maray.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in askariga dilka geestay iyo gabadha uu dilay uu muran dhax maray kadib markii uu xabad korkeeda ka riday, waxaana muranka markii dambe sababay in gabadha uu Madax xabad kaga dhufto askariga.

Hooyada la dilay oo heesatay caruur yar yar ayaa magaceeda lagu sheegay Fardowso Abuukar Maxamed , waxaana meydkeeda la geeyay xarunta Dambi baarista CID-da si baaritaano loogu sameeyo.

Askariga dilkan argagaxa leh geestay ayaa la sheegay in uu goobta ka baxsaday, ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa wada baadi goob ay ugu jiraan gacan ku dhiiglahan nolosheeda u aqoonsaday hooyadan Soomaaliyeed.

Dilkan maanta ka dhacay degmada Yaqshiid ayaa aheyd mid si weyn looga argagaxay, waxaana dilalka nuucan ah ay ciidanka dowlada u geestaan shacabka aan hubeesneyn ay noqdeyn kuwa soo badanaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyaha booliiska Jubbaland oo lagu daweenayo Isbitaal kuyaalla Muqdisho iyo Axmed Madoobe oo booqday (Sawirro)

Cabdi Cade

Shir muhiim ah oo u dhaxeeya Dowladda iyo Bangiga Horumarinta Afrika oo furmay

Cabdi Cade

Madaxweynaha Maamulka Somaliland oo amar adag ku soo rogay golihiisa wasiirada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---