Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Qarax lagu soo qariyay qof Meyd ah oo lagu dilay Askar !!

Dalka Burkina Faso waxaa ka dhacay qarax si xeeladeesan loogu soo qariyay qof meyd ah, waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa baahisay in qof meyd ah oo lagu soo qariyay qarax lasoo dhigay goob ay ciidamo joogeen, waxaana qaraxaasi lala eegtay ciidamo meydkaasi u tagay si ay u arkaan.

Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku dhintay labo katirsan ciidanka Milatariga dalka Burkina Faso, waxaa sidoo kale qaraxan ku dhaawacmay lix askari kale kuwaa oo xaalad kala duwan ku sugan.

War kasoo baxay Milatariga dalka Burkina Faso ayaa lagu sheegay in qaraxa meydka lagu soo qariyay ku dhinteen labo askari , waxa ayna sheegeen milatariga in ay socdaan baaritaano lagu sameenayo qaraxaasi.

Qaraxan sida xeeladeesan loogu dilay ciidamada Milatariga Burkina Faso ayaa maanta ka dhacay magaalada waqooyiga ku taalla ee Djibo oo u dhaw xadka Burkina Faso uu la wadaago dalka Mali.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Milateriga Israel oo isaga cararay Jenin ka dib dagaal qaraar oo ku qabsaday (Sawirro)

Caydiid Ali

Xukuumadda oo Meel Marisay Siyaasadda Jaangoynta Mushaarka Iyo Darajooyinka Shaqaalaha rayidka

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan iyo Madax kale oo reer Galbeed ah oo ka qeyb galaya shirka khariidada Nabadda ee Ukraine

Cabdi Cade
Taboola Ads ---