Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mahad Salaad: “Wasiir Beyle ma wuxuu rabaa inuu dadka xoolahooda Xoog ku dhaco”

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa si weyn u dhaliilay go’aan culus oo kasoo yeeray Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya, kaasoo ahaa iney sharciga la tiigsan doonaan shirkaddo ganacsi oo aan bixin canshuurtii ku waajibtay.

“Wasiir Beyle waxaan waydiin lahaa canshuurta uu sheegayo soo sharci lagu qaado uma baahna, mise dadka xoolahooda ayuu rabaa xoog inuu ku dhaco?!..” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad oo qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku dhaliilay hadalka ka soo yeeray Wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya.

“Sida ku cad Xeerka Qoondada Miisaaniyada 2019 Golaha Shacabku ansixiyay qodobkiisa 3.9 Wasaarada Maaliyada waxaa lagu faray in ay soo gudbiso Hindise Sharciyeedka Canshuuraha iyo Tacriifooyinka ugu danbeyn 15ka Maarso 2019… Sidoo kale Gudiga Maaliyada Golaha Shacabka 3dii February 2019 waraaq ayuu u diray Wasiirka Maaliyada lagu farayo in uu ku soo gudbiyo Hindise sharciyeedkaas xiliga Golaha Shacabku u qabtay oo ah 15ka Maarso 2019…” ayuu qoraalkiiska u yiri Mahad Salaad.

Wuxuu sheegay in Wasiir Beyle laga sugayo sharcigii canshuuraha iyo tariifooyinka lagu qaadi lahaa, wuxuuna is weydiiyey in Dadka uu wasiiru u goodinayo u baahan yihiin in sharci wax looga qaado.

Ugu danbeyn xildhibaan Mahad Salaad ayuu yiri: “Mudane Wasiir ilaahey ka baq oo umaddaan Shabaab iyo Daacish xoolo tireen dhibaatada ka yareey. Kolley kamaba dhaafayside!.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirka Wasaaradaha Amniga iyo Taliyaasha Booliiska oo Kismaayo ka furmay (Sawirro)

Cabdi Cade

Howlgal lagu dilay Shabaab badan laguna soo qabsaday Gaadiid Dagaal oo ka dhacay Beerta Sheekh Qaasim (Sawirro)

Cabdi Cade

Farmaajo oo laga diiday in Ciidamada Danab u adeegsado joojinta Banaan bixii Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---