Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Beyle oo ka hadlay khilaaf ka dhex aloosan Maamulka dekeda Xamar & Ganacsatada

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Bayle oo saaka dalka dib ugu soo laabtay, kadib safar shaqo oo maalmo kooban ugu maqnaa magaalada Abu Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Bayle ayaa ka warbixiyay khilaafka ka taagan Dekeda Muqdisho iyo arrimaha canshuurta ee ay ka cabanayaan Ganacstada Soomaaliyeed, taasoo maalimihii dambe xoogeysatay.

C/raxmaan Ducaalle Bayle ayaa si cad u sheegay in aysan jirin canshuur kordhin lagu sameeyay Ganacstada Dekeda, wuxuu sidoo kale beeniyay hadal shalay Ganacstada ay u soo bandhigeen warbaahinta.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in ay jirto Toban canshuur oo Ganacstada waajib ay tahay in laga qaado, balse duruufo jiro awgeed ay ku soo koobeen oo keliya ilaa Saddex canshuur.

Wuxuu soo bandhigay warqado oo uu sheegay Ganacstada iyo Wasaaradda Maaliyadda in ay kala saxiixdeen, welina uu diyaar u yahay inuu la kulmo Ganacsatada, si uu u dhageysto cabashadooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sii-hayaha Ra’isul Wasaaraha Somalia oo kormeeray dekeda Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

Nabadoon la shaqeyn jiray kooxda Al Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka Dowladda (Sawirro)

Cabdi Cade

Dagaal ganacsi oo ka dhex qarxay Milkiileyaasha Shirkaddaha Twitter iyo Facebook

Caydiid Ali