Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada dowlada & kuwo Maraykan ah oo Al-Shabaab kala wareegay degaano cusub

Ciidamada Kumandoska Soomaaliya oo ay wehliyaan kuwa Maraykanka ayaa saaka weeraray degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose oo ay maamulayeen Al-Shaabab.

Howlgalladaas ayaa waxaa la sheegay iney ciidamadu kula wareegeen Degaanka Mubaarak ee gobolka Sh/hoose halkaasoo ay gacanta ku hayeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo halkaas isaga baxay iyagoo aan sameynin iska cabin adag.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in xiisado dagaal ay ka jiraan degmada Aw-dheegle oo ay gacanta ku hayaan Al-shabaab, iyadoo ciidamada dowlada iyo kuwa Maraykanka ee taageeraya ay halkaas ku wajahan yihiin.

Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa waxay sheegeen in Al-Shabaab ay goordhow isaga baxeen degaanka Doon-buraale oo hoostaga degmada Qoryooley.

Ciidamada dowlada ayaa la soo sheegayaa iney haatan baaritaano ka wadaan degaanka Mubaarak, iyagoo baadi goobaya xubno ka tirsan Al-shabaab oo ay tuhunsan yihiin iney gudaha degaankaas ku dhuumanayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Mareykanka oo soo riday dayuurad dagaal oo Turkigu leeyahay

Caydiid Ali

Soomaaliya oo Qodobo adag hor dhigeysa Shirka Ururka IGAD ee Maanta furmaya 

Cabdi Cade

Xuutiyiinta oo qirtay iney weerareen Markab Sacuudigu leeyahay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---