Allbanaadir.com
NEWS

Maxaabiis laga soo daayay dalka Iiraan oo Muqdisho laga soo dejiyay (Sawirro)

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa laga soo dejiyay dhalinyaro Soomaaliyeed oo mudo sanado ah ku xirnaa xabsiyo kala duwan oo kuyaala dalka Iiraan .

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa dadaalo badan ku bixisay sidii maxaabiistan Soomaaliyeed looga soo deyn lahaa xabsiyada kuyaala dalka Iiraan, waxa ayna dowlada dhawaan Iiraan u dirtay Ergay ka shaqeenayay soo dhaweynta Maxaabiistan.

Maxaabiistan laga soo daayay xabsiyada kuyaala dalla Iiraan ayaa markii ay soo gaareen magaalada Muqdisho waxaa wajiyadooda laga dheehanayay sida ay ugu faraxsan yihiin in dalkooda hooyo lagu soo celiyo iyaga oo xur ah.

Xukuumada Soomaaliya ayaa ka shaqeesay in Xabsiyo kuyaala dalal ay kamid yihiin India ,Liibiya iyo wadamo kale kasoo deyso maxaabiis Soomaaliyeed oo sanado badan dalalkaasi ku xirnaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiir katirsan Galmudug oo ka hadlay Khilaafka Madaxda Galmudug iyo saameynta uu reebay

Cabdi Cade

Madaxweyne 80 sano jir ah oo laga codsaday inuu xilka sii hayo ka dib markii..

Caydiid Ali

Puntland oo qabatay dayuurado isqarxiya iyo raggii watay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---