Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo ka hadlay Maqaamka Muqdisho iyo cida hor taagan

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka hadlay arinta ku saansan Maqaamka Muqdisho oo waqti badan soo jiitameysay iyo xanta ku saabsan arintaas ee dadku isla dhexmaraan.

Wuxuu sheegay Maqaamka Caasimadda in mar walba meel loo jiido oo mararka qaar lagu eedeeyo inay heystaan Madasha iyo Baarlamaanka, wuxuuna tilmaamay arrintan in ay tahay mid Dastuuri ah, muhiimna ay tahay in la qeexo Maqaamka Caasimadda iyo mida Gobolka Banaadir.

Axmed Madoobe ayaa sheegay shirarkii ugu dambeeyay ee ay yeelanayeen in ay ku baaqayeen in la dadejiyo  Maqaamka Caasimadda, wuxuuna sheegay in isaga uu horboodi doono dadka u doodaya Maqaamka Muqdisho, taasi bedelkeeda wuxuu dalbaday in la yareeyo in la isku xanto arrintan.

“Waxaa aad looga hadlaa Gobolka Banaadir, Caasimadda, Maqaamka, xagee laga heystaa horta ? laakiin marka wax la sheeg sheegayo waxbaa afka la isku saar saaraa, mar waxaa la yiraahdaa Madasha iyo Baarlamaanka ayaa heysta, Waxaan is leeyahay arrintaasi waa mid Dastuuri ah, dhowr jeerna waan ka hadalnay, shirarkii uga dambeeyay waxaan uga hadleynay in la dadejiyo Maqaamka, aniga ayaana horgal u noqon doona, waxaan rajeynaa arrintan in hada kadib aanan la isku xaman doonin.” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa hadalkan ka sheegay xilli xalay uu magaalada Muqdisho uga qeyb galay Munaasabad casho sharaf aheyd oo Maamulka Gobolka Banaadir uu u sameeyay Madaxda Dowlad Goboleedyada oo ka qeyb galay shirka Golaha Amniga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowada Soomaaliya oo shaacisay in dalka ka difaaceyso Shirkada DP World ee Imaaraadka

Cabdi Cade

Somtel oo Macaamiisheeda usoo bandhigtay adeeg cusub oo raqiis ah

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Burcad Mooto Bajaaj ku dhici jirtay shacabka oo laga soo qabtay Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---