Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Ilhan Cumar oo Jawaab adag siisay Madaxweyne Donald Trump

Gabadha asalkeedu Soomaaliga yahay ee Ilhan Cumar kana tirsan Aqalka Congress-ka dalka Mareykanka ayaa wajaheysa cambaareyn kaga imaaneysa Siyaasiyiin iyo sidoo kale Warbaahinta Yahuuda taageerta.

Madaxweynaha dalka Mareykana Donald Trump ayaa Ilhan Cumar ugu baaqay in ay iska casisho Aqalka Congress-ka Mareykanka, waxa uuna ku eedeeyay in ay ku kacday ficil Yahuud naceyb ah.

Ilhan Cumar ayaa dhankeeda si adag uga jawaabtay hadalka kasoo yeeray Madaxweynaha Mareykanka, waxa ayna sheegtay Ilhan hadiiba qof isku casilayo naceyb in uu yahay qofkaasi Madaxweyne Trump.

Waxa ay sheegtay Ilhan Cumar in Madaxweynaha Mareykanka noloshiisa ay ka sameesan tahay naceyb, waxa ayna meesha ka saartay codsiga Trump ee ah in ay iska casisho xubinada Congress-ka .

Ilhan Cumar ayaa qoraal ay dhawaan ku qortay barta ay Twitterka ku leedahay kala kulantay cambaareyn xoogan  kadib markii lagu eedeeyay in ay neceb tahay Yahuuda oo awood badan ku leh dalka Mraeykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Siyaasi Soomaali ah oo Wasiir muhiim ah ka noqday dowalada Tanzaaniya

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Rooble oo si adag uga hadlay Weerarkii lagu qaaday Xarunta Baarlamaanka

Cabdi Cade

Qaramada Midoobay oo digniin ka bixisay musiibo ku soo wajahan Bariga Afrika

Caydiid Ali
Taboola Ads ---