Allbanaadir.com
NEWS

Ellen Johnson Sirleaf oo ku guuleysatay Malaayiin dollar oo abaal marin ah

Madaxweynihii hore ee dalka Liberia Ellen Johnson Sirleaf ayaa ku guuleysatay abaalmarinta Mo Ibrahim ee la siiyo hoggaamiyeyaasha wanaagsan ee Afrika.

Sirlief oo xilka ka degtay bishii hore ayaa waxa ay heleysaa lacag dhan $5 milyan doolar oo abaalmarinta la socota.

Abaalmarinta ayaa waxa bixiya sanad kasta Maxamed Ibraahim oo ah nin taajir ah oo u dhashay dalka Suudaan, wuxuuna ku dhiirogaliyaa hoggaaminta wanaagsan ee Afrika.

Guddiga abaalmarinta ayaa sheegay in Liberia ay ka tahay dalka kaliya ee dhinac kasta oo laga qiimeeyay horumar ka sameeyay.

Waa qofkii shanaad oo abaalmarintan hela tan iyo sanadkii 2007-dii.

Lacagta abaalmarinta ayaa waxa ay kis kis ugu heleysaa muddo 10 sano ah, waxaanan xigi doonaa lacag $200 kun ah sanad kasta inta nolosheeda ka dhiman.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sheekh Aadan Madoobe oo kulan sagootin ah la qaatay Mohamed Al Hammadi (Sawirro)

Cabdi Cade

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo mar kale la kulmay Moon Jae-in (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

DFS oo dalka kusoo celisay dhallinyaro badan oo naftooda halis galiyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---