Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo bur burisay xarun ay laheyd Shirkada Isgaarsiinta Safaricom

Dagaalyahno hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa  weerar ku qaaday Deegaanka Galma-Gala oo ka tirsan dagmada Faafi maamulka Gaarisa ee gobolka Waqooyi bari ee dalka Kenya.

Ciidamo katirsan booliiska dalka Kenya oo ku sugnaa deegaanka la weeraray ayaa la sheegay in ay ka firxadeen deegaanka kadib markii ay soo galeen dagaalyahanada katirsan Al Shabaab.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa ku warantay in dagaalyahanada Al Shabaab ay bur buriyeen sidoo kale gubeen xarun ay shirkada Isgaarsiinta ee Safaricom ku laheyd Deegaanka Galma-Gala.

Sargaal katirsan Al Shabaab ayaa sheegay in weerarkan lagu bur buriyay xarunta Safaricom ee Deegaanka Galma-Gala iyagu ka dambeeyeen, waxa uuna xusay in booliiskii deegaanka joogay ay firxadeen.

Al Shabaab ayaa marar badan weeraro ay ku qaadeen deegaano katirsan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya waxa ay ku bur buriyeen xarumo ay leedahay Shirkada Isgaarsiinta Safaricom oo ah tan ugu weyn ee laga isticmaalo dalka Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

“Farmaajo & Khayre ka hor, Somalia waxay la mid ahayd; Markab badwayn ku quusay”

Caydiid Ali

Sheekh Aadan Madoobe oo arrin muhiim ah kala hadlay Fexton Matupa (Sawirro)

Cabdi Cade

Rag dhibaato ka geesanayay xaafado katirsan Muqdisho oo la qabtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---