Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faahfaahin ka soo baxeysa weerar ka dhacay xaafada Xamar-Jadiid ee Magaalada Muqdisho

Isniin 20 april 2015- Sheekh Cabdikariin Xussen ayaa ka warbixiyey weerarkii lagu qaadey isaga fiidnimadii Khamiistii la soo dhaafey. Sheekha waxuu sheegay inuu asaga badqabo oo uu ka badbaadey isku day dil, laakiin xaaskiisa iyo wiil yar uu dhalay uu dhaawac fudud ka soo gaarey, isla markaasina ay burbur hantiyeed uu soo gaaery gurigiisa oo ku yaala xaafada Xamar-Jadiid ee degmada Wardhiigley.

” Waa ay iska cadahay dadkii weerarka igu soo qaadey, kuwaasi oo ah kuwa cadow ku ah dalka, dadka & diintaba. Ururka Al Shabaab, ayaa igula soo xiriirey teleefan, ayagoo iigu hanjabey inay i dili doonaan , haddii aanan joojin wacyi gelinta diiniga ah ee ka dhanka ah koox-diimeedkaasi”. Ayuu yiri Sheekh Cabdikariin

”Waa waajib aniga ii saaran inaan dadkeyga uga digo, kuwa diinta ka been sheegaya, kuwaasi oo u adeegaya argagisada caalamka. Waxey doonayaan iney ka abuuraan xasilooni daro, guud ahaan aduunka oo dhan, gaar ahaan soomaaliya”. Ayuu sheekha hadlakiisa kusoo gabo-gabeeyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Casho Sharaf heer sare ah oo Muqdisho loogu sameeyay Ciyaartoydii xulka 17-jirada

Cabdi Cade

Cabdi Xaashi oo ka hor yimid Xeer uu maanta saxiixay Madaxweyne Farmaajo (Akhriso)

Caydiid Ali

Dagaal lagu dilay 60 xubnood oo ka dhacay Galgaduud

Caydiid Ali
Taboola Ads ---