Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shil dayuuradeed oo ka dhacay Kenya & dad ajaaniib ah oo ku dhintay (Sawirro)

Ugu yaraan shan ruux oo dhamaantood ajaaniib ahaa la sheegay iney ku dhinteen dayuurad yar oo ku burburtay gudaha dalka Kenya.

Dayuurada ayaa ku sii jeeday degmada Lodgar, waxayna ku burburtay keyn ku taalla Degaanka Kawaingi oo ka tirsan gobolka ku yaalla Woqooyiga Galbeed ee Kerijo.

Lama sheegin dalalka ay ka soo kala jeedaan dadka ku dhintay shilkan dayuuradeed, balse ciidamada amniga dowlada Kenya ayaa gaaray goobta dayuuradan ay ku burburtay.

Ma cadda sababta keentay burburka dayuuradan, iyadoo saraakiil ka tirsan dowlada Kenya ay sheegeen iney wadaan baaritaano arrintan la xiriira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Mustafe oo war cusub ka soo saaray kala dirida ciidanka Liyu Boolis

Caydiid Ali

Maxay ka wada hadleen Xassan Shiikh iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka?

Caydiid Ali

Maamul goboleed qaadacay Shirka Wadatashiga uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh

Cabdi Cade
Taboola Ads ---