Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Musaveni oo talo yaab leh siiyey dhigiisa Somalia Farmaajo

Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweeri Kaguta Museveni ayaa talo yaab leh siiyey dhigiisa Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ay isku arkeen Shirweynihii 32-aad ee Madaxda Dowladaha Afrika ee lagu soo gebagebeeyey Xarunta dhexe ee Ururka Midowga Afrika oo ku taalla caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba.

Sida laga soo xigtay qeybta Warfaafinta Madaxtooyada Uganda Yoweri Musaveni ayaa kula taliyey Madaxweynaha Soomaaliya inuu dhiso ciidamo maleeshiyo degaan (Beel) oo daacad u ah, kuwaasoo aan wax lacag ah qaadanin si ay u difaacaan una xoreeyaan dalka, iyadoo markaas kadib si tartiib ah loogu bedelayo ciidamo Qaran oo mushaar qaata muddo laba sano gudahood ah.

“Waxaad u baahan tahay inaad dhisto ciidamo qaran, waana inaad ka talo gelisaa kaabo qabiilada iyo dadka ay quseyso, iyadoo saldhig looga dhigayo fekradda ah mutadawacnimo..” ayuu yiri Madaxweynaha Uganda oo talo toos ah u jeediyey madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaan la ogeyn inuu aqbalay taladan, balse waxaa Madaxweynaha Uganda uu ku casuumay inuu booqasho uu ku yimaado dalka, wuxuuna intaas ku daray in dhismaha ciidamada Qaran ee Soomaaliya uu maro heer fiican.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxda Maamul goboleedyada iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo kulmay (Sawirro)

Cabdi Cade

Duufaan kale oo ku soo fool leh xeebaha Somalia iyo digniino laga bixiyey

Caydiid Ali

Magaca howlgalka 2025 bedelaya ATMIS oo la shaaciyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---