Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Howlgal culus oo laga sameeyey Muqdisho & boqolaal dhalinyaro ah oo la qabqabtay

Ciidamada amniga dowladda Soomaaliya ayaa xalay saqdii dhexe howlgal xoog leh ku qaaday xaafado ka tirsan degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.

Howlgalkan ayaa laga sameeyey Xaafadaha Laba-dhagax, Cali Kamiin iyo xaafada Furayaasha, Carwo Idko iyo meelo kale.

Ciidanka howlgalka waday ayaa gudaha u galay guryaha iyo dhismooyinka ku yaala xaafadahaasi, iyagoo dibeda u soo saarayey dhalinyarrada iyo xubnaha kale ee laga shakiyey, iyagoo iskugu geynayey goobo gaar ah.

Waxaa la xiray isu socodka gaadiidka iyo dadka xaafadaha Howlgalka ka socday oo la geeyay ciidamo fara badan oo Boolis ah, kuwaasoo ku hubeysnaa gaadiid dagaalka iyo hub kale oo culus.

Ciidamada ayaa kala saaray boqolaalka dhalinyarada ah ee ay ku soo qabteen howlgalkan, waxayna baaritaan ka dib sii daayeen intooda badan, halka tiro kooban oo ay ka shakiyeena u watay saldhigyadooda si baaritaano dheeri ah loogu samneeyo.

Howlgalkan oo aysan jirin saraakiil ka hadashay ayaa ku soo beegmay iyadoo mudooyinkii danbe ay magaalada ku soo bateen dilalka qorsheysan iyo qaraxyada loo adeegsado Bam gacmeedyada.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Waa maxay sababta dunidu ay ugu mashquulsan tahay filimka caanka noqday ee Squid Game.

Cabdi Cade

Daawo Muuqaal :Madax badan oo isku aragtay Salaadii Janaasada ee Marxuum Xasan Abshir

Cabdi Cade

Ciidamada Kumaandooska iyo kuwa Mareykanka oo ka baxay Baar Sanguuni (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---