Allbanaadir.com
NEWS

Wadahadal dalka Kenya Uga Furmay Dowlada Itoobiya iyo Jabhada ONLF (Daawo Sawirro)

Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya waxaa ka furmay wadahadal u dhaxeeya Dowlada Itoobiya iyo Jabhada ONLF oo dagaal kula jirtay Dowlada Itoobiya .

Dowlada Kenya ayaa garwadeyn ka ah wadahadalka u furmay Jabhada ONLF iyo Dowlada Itoobiya, waxaana wadahadalka Dowlada Itoobiya ku matalaya Madaxweynaha Dowlada deegaanka iyo Generaal Gabre halka ONLF shirka ku matalayaan xubno sare oo kamid ah.

Wadahadalkan u furmay Dowlada Itoobiya iyo Jabhada ONLF ayaa diirada lagu saarayaa sidii labada dhinac heshiis u gaari lahaayeen kooxda ONLF-na u joojin laheyd dagaalka sanadaha ah ay waday.

Jabhada ONLF ayaa ka dagaalanta Soomaali Galbeed , waxa ayna kooxdan u dagaalameysaa sidii Soomaali Galbeed uga go’i laheyd dalka Itoobiya una noqon laheyd maamul madax banaan.

 Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xukun Dil ah oo lagu riday Askar lagu eedeeyay in ay ahaayeen Fuley

Cabdi Cade

Hay’adda Duulista rayidka Somalia oo ka jawaabtay hadalkii ka soo yeeray Somaliland

Caydiid Ali

Dowlada Federaalka oo faro galin ku heysa Mooshinka laga gudbiyay Madaxweyne Waare

Cabdi Cade
Taboola Ads ---