Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Ciidamada Puntland oo qabtay rag doonayay in ay ku biiraan Ururka Daacish (Sawirro)

Ciidamada maamulka Puntland ayaa howlgal ay shalay ka sameeyeen dhulka buuraha ee gobolka Bari waxa ay kusoo qabteen rag la sheegay in ay doonayeen in ay ku biiraan kooxda Daacish.

Qoraal kasoo baxay ciidamada Puntland ayaa lagu sheegay in xubno doonayay in ay ku biiraan kooxda Daacish in ay kusoo qabteen howlgal ay ka sameeyeen  Buuraleyda iyo toggaga Gaaca, Guban iyo Moqor ee koonfurta bari ee magaaladda Bosaso.

“Waxaa ciidamada  11 February 2019, hawlgal ka sameeyeen Buuraleyda iyo Toggaga Gaaca,Guban iyo Moqor ee Koonfurta Bari ee magaalada Bosaso, Intii Hawlgalkani socday waxay ciidanka PSF soo qabteen xubno doonayey in ay ku biiraan ururka argagixisada Daacish ee ka dagaalanta Buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari iyo Saad la doonayey in loo gudbiyo kooxdaas” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay ciidanka Puntland.

Ciidamada Puntland ayaa ugu baaqay shacabka Puntland in ay lasoo wadaagaan waxii xog iyo macluumaad ah ay ka hayaan kooxaha Daacish iyo Al Shabaab si looga sifeeyo deegaanada Puntland.

Kooxda Daacish ayaa ku xoogeesaneysa dhulkka buuraha ee gobolka Bari, waxa ayna kooxdaasi dagaal labo afleh ah kula jirtaa ciidamada Puntland iyo sidoo kale dagaalyahanada Al Shabaab oo ay marar badan dagaalameen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Sweden oo xukun adag ku riday nin ku biiray Daacishta Soomaaliya

Cabdi Cade

Madaxweyne Xassan Shiikh, Abiy Ahmed iyo madax kale oo ku wajahan Nairobi (Ujeedka)

Caydiid Ali

Dowladda oo Ciidamo badan geesay Suuqa Bakaaraha amar cusubna siisay Ganacsatada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---