Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Cismaan Cali Maadey oo goor dhow lagu dilay Magaalada Belad-Weyne

Dabley hubeysan ayaa caawa ku dishay Magaalada Belad-weyne Masuul ka tirsanaa waaxda Maaliyada ee maamulka gobolka Hiiraan sida ay sheegayaan warar goor dhow na soo gaaray.

Masuulkan oo magaciisa lagu sheegay Cismaan Cali Maadey (Ganey) ayaa waxaa rasaas ku furay rag bastoolado ku hubeysan oo weerar ku soo qaaday xili uu ku sugnaa meel aan ka fogeyn aargada Shiikh Xasan Barsane oo ku taalla xaafada Howlwadaag ee galbeedka magaalada Beladweyne.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in ragga dilka geystay oo labo nin ahaa ay goobta ka baxsadeen markii ay dileen marxuumka.

Ciidamada amaanka Magaalada Belad-weyne ayaa goobta dilku ka dhacay gaaray, iyagoo halkaas ka wada howlgal culus oo ay ku baadi goobayaan raggii ka dambeeyey dilka masuulkan.

Ma jirto weli cid sheegatay dilkan balse kooxda Al-shabaab ayaa looga bartay dilalka noocan ah ee lala beegsado masuuliyiinta iyo dadka kale ee la shaqeeya dowlada federaalka iyo maamulada hoos yimaada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Sarkaal Kenyan ah oo nolosha lagu watay ka dib weerar ka dhacay meel ku dhow xadka Somalia

Caydiid Ali

Ku simaha Taliyaha NISA oo loo doortay Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka (Sawirro)

Cabdi Cade

Madax hore iyo Siyaasiyiin Caan ah kahor yimid muddo kororsi iyo Rabitaanka Xasan Sheekh (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---