Allbanaadir.com
NEWS

Shir Muhiim u ah Soomaaliya oo ka socda Xarunta Xalane (Daawo Sawirada)

Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Xalane waxaa ka socda Shir ay leeihiin Wakiilo kasocda Dowladaha ururka IGAD xubnaha ka ah, Dowlada Federaalka iyo xubno katirsan maamul goboleedyada dalka.

Shirkan oo ah mid muhiimad weyn u leh Soomaaliya ayaa looga hadlayaa sidii Wadamada ku bahoobay Urur goboleedka IGAD si furan oo oo bilaa fiiso ah isaga gudbi lahaayeen dadkooda.

Waxaa shirkan looga tashanaaa sida ugu haboon oo wadamada Xubnaha ka ah IGAD dadkooda bilaa fiiso isaga gudbi karaan, waxaana socda qorshe wadamada IGAD ku doonayaa in dadkooda fiiso la’aan uga gudbaan wadamada xubnaha ka ah Ururkan.

Shirkan ayaa npqonaya kii ugu horeeyay oo nuuciisa ah oo lagu qabto magaalada Muqdisho, waxaana shirkan ka qeyb galaya Madax katirsan Dowlada Soomaaliya oo la filayo in a ka hadlaan.

Dadka Soomaaliyeed ayaa looga baahan yahay in a heestaan Fiiso marka ay galayaan wadamada xiuvnaha ka ah ururka IGAD, waxaana hadii la ogolaado qorshahan socda dan weyn ugu jirtaa bulshada Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faah Faahino kasoo baxaya dil maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Maraykanka oo ku dhega hadlay DF: “COVID-19 looma adeegsan karo ku xadgudubka xoriyadda”

Caydiid Ali

War-murtiyeed xasaasi ah oo laga soo saaray Shirkii Culimada Soomaaliyeed uga socday Muqdisho

Cabdi Cade