Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo markii ugu horeesay la kulmaya Muuse Biixi 

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa la filayaa in dhawaan uu gaaro dalka Jabuui halkaasna uu kula kulmo Madaxweynaha cusub maamulka Somaliland Muuse Biixi.

Wasiirka arrimaha dibadda ee maamulka Somaliland, Sacad Cali Shire, oo Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in dalka Jabuuti dhawaan ku kulmayaan Madaxweynaha Soomaaliya iyo kan Maamulka Somaliland .

Waxa uu sheegay Wasiir Sacad Cali Shire kulanka labada masuul oo ah kii ugu horeeyay in uu  horu dhac u yahay wadahadalada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland oo la filayo in dib loo amba qaado .

Dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin warkan kasoo baxay maamulka Somaliland ee ku aadan in dalka Jabuuti ku kulmaaan Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland.

Wadahadaldii u dhaxeeyay Dowlada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa hakad galay, waxaana la filayaa in wadahadalaasi ay dib u furmaan labada dhinacna ku shiraan dalka dibadiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Howlgalo ka dhan ah Al-shabaab oo ka bilowday degaano ka tirsan Mudug

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Mustafa al-Kadhimi oo ka bad baaday weerar halis ah oo lagu dili rabay

Cabdi Cade

Shiikh Cali dheere oo digniin culus u diray dadka ku howlan doorashada Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---