Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya kula kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane Antonio Guiteres.
Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay sidii looga gudbi lahaa is fahmi waagii dhawaan ka dhashay Ceyrintii Heysom.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mudane Antonio Guiteres ayaa Madaxweynaha Soomaaliya u sheegay in uu soo magacaabayo Ergay cusub oo Soomaaliya wakiil uga noqonaya si howsha iyo taageerada Qaramada Midoobay loo sii dar dar galiyo.
Xiriirka Dowlada federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa mad madoow soo galay kadib markii dowlada federaalka Soomaaliya soo saartay qoraal ay dalka uga ceyrsisay Wakiilkii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com