Allbanaadir.com
NEWS

Jaamacadda Banaadir oo soo gebagebeysay aqoon-isweydaarsi sare loogu qaadayey Manhajkeeda (Daawo Sawirro)

Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gebagebeeyey aqoon isweydaarsi ku saabsanaa tayeynta iyo sare u qaadida Manjahyada wax looga barto qaar ka mid ah kuliyadaha Jaamacadda Banaadir.

Waxaa aqoon isweydaarsigan lagu lafa guray dib u eegis iyo casriyeyn lagu sameeyey manhajyada illaa saddex kuliyadood oo kala ah, Kuliyadda dhaqaalaha iyo Maamulka, Kuliyadda Culuunta Kombiyuutarka, Kuliyadda barashada kheyraadka dhulka iyo afar qeybood oo ka tirsan qeybta Taqasuska ee Jaamacada Banaadir oo iyana kala ah taqasuska Qaliinka guud, taqasuska cudurada haweenka, taqasuska cudurada caruurta iyo taqasuska daweynta gudaha, iyadoo waxaana gacan ka geysanayey fududeyntiisana Macalimiin ka socotay Jaamacada Makerere ee dalka Ugandha oo iskaashi waxbarasho la leh Jaamacada Banaadir.

Munaasabada xiritaanka aqoon isweydaarsigan ayaa waxaa ka qeyb galay xildhibaano, masuuliyiinta Jaamacadda & Mu’asasada Banaadir, Macalimiin iyo howlwadeeno ka socday Jaamacada Makerere ee dalka Ugandha iyo xubno kale.

Hormuudka kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir Dr. Maxamed Maxamuud Biday ayaa isna xusay in afarta maalmood ee uu socday aqoon isweydaarsigan la qabtay howl baaxad leh laguna guuleystay.

Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo ka hadlay gebagebadii seminaarkan ayaa sheegay in tayeynta iyo sare u qaadida manhajyada wax lagu baro ardayda dhigata Kuliyadaha Jaamacada ay yihiin kuwo muhiimad weyn leh.

“Waxaan ku faraxsanahay in mudadii koobeyd ee uu aqoon isweydaarsigan socday laga gaaray guul waxaa lagu tifaftiray manaahijta waxbarashada ee saddex Kuliyaddood, iyo afar taqasus oo ka mid ah qeybta waxbarashada heerka labaad ee Masterka kuwaasoo laga dhigay manaahij la mid ah, kuwa caalamiga ah, waxaana la dhaqan gelin doonaa sanad dugsiyeedka cusub, waxaana ansixin doona Golaha Tacliinta sare ee Musasada Banaadir” ayuu yiri Guddoomiye Dalmar oo u mahad celiyey ka soo qeyb galayaasha aqoon isweydaarsigan, Mu’asasada Banaadir oo maalgelisay iyo Macalimiinta ka socotay Jaamacadda Makerere.

Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ah Senator ka tirsan aqalka sare ee Baarlamanka Somalia oo isna munaasabadaas ka hadlay ayaa ugu hambalyeeyey ka qeyb galayaasha seminaarkan guusha ay gaareen iyo waxqabadka ay muujiyeen, wuxuuna xusay in jaamacada Banaadir ay noqotay Jaamacada kaliya dalkeena Somalia ee dib u eegis ku sameysa manhajkeeda saddexdii sanaba mar si loola jaan-qaado culuunta casriga ah.

“Dib u habeynta lagu sameeyey Manhajyada Jaamacadda waxay astaan u tahay sida Maamulka iyo masuuliyiinta Jaamacadda ay ugu heelan yihiin in ardaydooda ay helaan aqoon casriyeysan, waana arrin muhiim ah in ardaydu duruusta ay ku qaataan aqoon mar walba lagu soo daro waxyaabaha cusub ee soo kordhay ” ayuu yiri Prof. Dufle oo u mahad celiyey dhamaan intii ka qeyb qaadatay  taabagelinta howshan culus, isagoo si gaar ah  u xusay macalimiinta Jaamacada Makerere oo uu tilmaamay iney safar dheer u soo galeen sidii ay walaalahood uga caawin lahaayeen horumarka aqoonta.

Waxaa sidoo kale ka hadlay xiritaanka seminaarkan qaar ka mid ah macalimiintii ka socotay Jaamacadda Makerere oo ay ka mid ahaayeen Mr. Salim Kinyiri iyo Prof. Mohamed Enguma oo balan-qaaday iney sii wadi doonaan sidii ay Jaamacadda Banaadir ugala shaqeyn lahaayeen horumarinta aqoonta, iyagoo ka waramay dib u eegista lagu sameeyey Manhajyada Jaamacada iyo waxyaabaha cusub ee lagu soo kordhiyey.

Waxaa ugu dambeyn gebagebada seminaarkan shahaado sharafeedyo lagu guddoonsiiyey ka qeyb galayaashii ka socday Kuliyaddaha ee Jaamacadda Banaadir iyo macalimiintii ka socotay Jaamacadda Makerere.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

RW hore: “Qeyb kama ahi bayaankii ka soo baxay Madaxdii hore ee Puntland”

Caydiid Ali

DF oo ka hadashay geerida fanaankii caanka ahaa Faarax Siidow Faarax

Caydiid Ali

Shan nin oo lagu dhax dilay Xabsiga Dhaxe iyo Howlgalkii oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---