Allbanaadir.com
NEWS

Soomaali ku xir-xiran dal Afrika ku yaal oo xabsi ka door biday in dalkooda loo soo celiyo

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay waddo dadaallo ay dib loogu soo celinayso dad Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyadda dalka Liibiya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub sidoo kalena ah Wakiilka dowladda ay u xilsaartay qaxootiga ku dhibaateysan Liibiya ayaa warbaahinta u sheegay in ay jiraan Soomaali badan oo ku xiran Xabsiyadda dalkaasi.

Cali Saciid Fiqi ayaa sheegay in Soomaalida qaarkood aysan ogoleyn ay ku soo laabtaan gudaha Soomaaliya, isla markaana ay doonayaan inay halkaasi kasii baxaan marka la sii daayo.

Maalmihii lasoo dhaafay ayuu xusay inay booqdeen xabsi ay ku xiran yihiin dhalinyaro Soomaaliyeed oo gaaraya 90, isla markaana qaarkood ay diideen inay ku soo laabtaan Soomaliya.

Muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa xoogeystay dhibaatooyinka ay kala kulmayaan dhalinyaradda Soomaaliyeed dalka Liibiya.

Soomaali badan oo tahriib ahaan ku tagay dalka Liibiya, kuwaasoo doonayay inay ka sii aadaan dalalka Yurub ayaa sanooyin badan ku xiran xabsiyadda dalka Liibiya, waxaana heysta badankood kooxo magafeyaal ah oo lacag madax furasho ah ka doonaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo dejiyey qorshe kale oo halis ah iyo digniino adag oo laga bixiyey

Caydiid Ali

Madaxweyne Biixi oo qaabilay wafdi uu horkacayey Mr. Aziz Yildirim (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Raisul Wasaare Khayre oo soo xiray Imtixaankii dugsiyada Sare ee dalka (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---