Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Al-Shabaab duulaan ka soo laabtay oo lagu duqeeyey gobolka Jubada hoose

Faahfaahino ayaa ka soo baxaya Weerar dhinaca cirka ah uu ka dhacay inta u dhaxeysa degaanada Araare, Kobon iyo Muuse Xaaji ee gobolka Jubada hoose.

Gaadiidka la beegsaday ayaa la sheegay inay u socdeen duulaan ka dhan ah Saldhig ay leeyihiin Ciidanka Jubbaland, waxaana ka hor duqeynta goobta ka dhacay dagaal muddo kooban socday.

Dad tuulo joog ah ayaa warbaahinta u sheegay in xoogaga Al-shabaab ay markii hore weerar ku ekeeyeen saldhiga ciidanka ee degaanka Muuse Xaaji, balse ay iska caabin  xooggan kala kulmeen ciidamadii Jubbaland, waxaana markii ay dib u  laabteen dabagal ku sameeyey dayuuradaha Maraykanka oo gantaalo la beegsaday.

Sarkaal ka tirsan ciidanka daraawiishta Jubbaland oo lagu magacaabo  Kabtan Maxamed Daahir Nuur ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in duqeynta  lala eegtay gaadiidka Al-Shabaab looga dilay 30 dagaalyahan gaadiid badana laga gubay.

Mareykanka ayaa u muuqda mid xoojinaya weerarrada cid ka dhanka Al-shabaab, inkastoo dhanka kale ay sheegeen in Al-shabaab aan looga adkaan karin duqeymaha ay la beegsadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Ciidanka NISA iyo kuwa Mareykanka oo dilay Saraakiil iyo xubno kale oo katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade

Dadaalo loogu kala dab qaadayay Ra’isul Wasaare Rooble iyo Musharaxiinta oo fashilmay

Cabdi Cade

Farmaajo oo goor dhow jeedinaya khudbad ku saabsan Xukunka ICJ ee Kiiska Badda

Caydiid Ali
Taboola Ads ---