Allbanaadir.com
NEWS

(Daawo Sawirro) Raisul wasaare Narendra Modi oo booqasho ku tegay dhulka Falastiin

Ra’isul wasaaraha dalka Hindiya, Narendra Modi ayaa booqday magaalada Ramallah ee daanta galbeed ee dhulka Falastiin, halkaasoo uu ku soo dhoweeyey madaxweynaha Falastiniyiinta Maxamuud Cabaas.

Booqashada raiisul wasaaraha Hindiya ayaa imaneysa xili uu sii xoogeysananyo xiriirka u dhaxeeyo Israiil iyo Hindiya. dadka qaar ayaa booqashada raiisul wasaare Modi u arka inay tahay mid dowladda Hindiya ay isu dheelitireyso xiriirka kala dhaxeeya Falastiin iyo Israiil oo ay xurguf u dhaxeyso.

India ayaa in muddo ah taageeri jirtay baahida loo qabo in Falastiin ay noqoto dal madax banaan, balse raiisul wasaare Modi ayaan booqanin daanta galbeed, kadib markii sannadkii aynu soo dhaafnay uu tegay Israiil.

Raiisul wasaare Modi ayaa maanta ka ambabaxay dalka Urdun, taasoo qeyb ka ah safaro uu ku marayo dalalka Cumaan, Imaraatka iyo dhulka Falastiin.

Raisul wasaaraha Israiil ayaa dhawaan booqday dalka Hindiya, halkaasoo si heersare ah loogu soo dhaweeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shir arrimo muhiim ah looga hadlay oo ka dhacay xarunta gobolka Banaadir

Cabdi Cade

Akhriso Khudbadii Madaxweyne Farmaajo ka jeediyay Shirkii Qaahira (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Turkiga oo loogu baaqay in dib u eegis ku sameeyo Ciidanka uu u tababaro Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---