Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xaflad lagu soo dhoweynayey Masuuliyiin ka tirsan DF oo ka dhacday London (Daawo Sawirro)

Xaflad balaaran oo lagu soo dhoweynayey  masuuliyiin ka tirsan dowlada Federaalka Somalia ayaa xalay lagu qabtay magaalada London.

Munaasabadan oo aheyd mid ay soo qabanqaabiyeen Jaaliyada Soomaalida ee dalka Ingiriiska ayaa waxaa ka qeyb galay Raisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumada Somalia, Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Wasiiro ka tirsan Xukuumada, siyaasiyiin, Waxgarad, aqoonyahano iyo qeybaha bulshada.

Sidoo kale, munaasabadan ayaa ku soo beegantay maalinta 8-da Febraayo oo ku beegan sanadguuradii labaad ee ka soo wareegtay markii la doortay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Wasiirka Cadaalada Xukuumada Somalia Xuseen Xasan oo ka mid ahaa xubnihii ka hadlay halkaas ayaa ku amaanay jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan Ingiriiska kaalinta ay ka qaataan xoojinta dowladnimada iyo dib u dhiska dalkooda.

Wasiirka ayaa ka hadlay waxyaabaha ay Wasaaradiisu ka qabatay toosinta cadaalada iyo heyadaha garsoorka dalka oo uu sheegay iney socdaan dedaalo badan oo lagu xoojinayo, isagoo tusaale u soo qaatay shirkii Garsoorka dalka ee uu magaalada Muqdisho ku soo xiray Madaxweynaha Somalia, kaasoo uu sheegay iney ka soo baxeen naatiijooyin wax ku ool ah oo lagu tayeynayo heyadaha garsoorka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Yariisow oo isna munaasabadaas ka hadlay ayaa Jaaliyada Soomaalida ee London warbixin ka siiyey howlaha uu qabtay maamulka gobolka Banaadir iyo qorsheyaasha u degsan.

“Mudada 12-ka bilood ah ee aan ahaa duqa Muqdisho, runtii shaqooyin adag ayaan ka qabanay caasimada kuwaasoo isugu jira dib u dhiska, nadaafada, amniga iyo soo celinta adeegyada bulshada, anagoo ujeedadeenu tahay sidii Muqdisho ay ula jaanqaadi laheyd horumarka ka jira caasimadaha kale ee caalamka” ayuu yiri Ing. Yariisow oo dhinaca kale jaaliyada Soomaalida ee Ingiriiska ugu baaqay iney maalgashadaan dalkooda, isla markaana xoojiyaan dib u dhiska iyo taageerada dowlada.

Waxaa ugu dambeyn ka hadlay xafladaas Raisul Wasaare ku xigeenka Somalia Mahdi Maxamed Guuleed oo ugu horeyn jaaliyada Soomaalida ee London uga mahad celiyey sida diiran ee ay u soo dhoweeyeen isaga iyo masuuliyiinta la socota, isagoo dhinaca kale sheegay inuu salaan diiran kaga sido Madaxweyne Farmaajo iyo Raisul Wasaare Khayre.

Mahdi Maxamed Guled ayaa warbixin dheer ka siiyey Jaaliyada Soomaalida ee London xaaldiihii ugu dambeeyey ee dalka iyo dedaalada ay wado dowlada,  guulaha ay ku talaabsatay labadii sano ee uu la soo dhaafay, gaar ahaan dhinacyada Xoojinta amniga, dib u dhiska heyadaha Qaranka, kor u qaadida dhaqaalaha, dhismaha iyo tayeynta ciidamada qalabka sida, la dagaalanka argagaxisada, horumarinta dowlad wanaaga iyo qodobo kale oo uu xusay in dhamaantood guulo la taaban karo laga gaaray.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta u dabaaldegeyno maalinta 8da Febraayo oo ku aadan sanadguuradii labaad ee ka soo wareegtay markii la doortay Madaxweyne Farmaajo oo shacabka gudaha iyo dibeda ay si diiran oo farxad leh ku soo dhoweeyeen” ayuu yiri raisul wasaare ku-xigeenka oo khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysay jeediyey, isagoo Jaaliyadaha Soomaalida ee dibeda ugu baaqay iney ka qeyb qaataan barnaamijka isxilqaan ee dib loogu dhisayo dalka.

Munaasabadan oo ku dhamaatay Jawi farxad badan ayaa intii ay socotay waxaa heeso guudaabo ah iyo suugaan kale oo wadani ku soo bandhigay fanaaniin iyo abwaano Soomaaliyeed kuwaasoo dhiiga iyo lafaha dhalaaliyey dhamaan dadkii xafladaas goob jooga ka ahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

 

 

Related posts

Turkiga oo ka bilaabay Maxkamadeynta dad loo heysto dilkii Khashoggi oo ay ku jiraan…

Cabdi Cade

Ciidanka NISA oo gacanta ku dhigay shabakad ka tirsan Al-shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali

Taliye cusub oo la wareegay ciidamada Kenya ee ka howlgala Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---