Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Jabhada ONLF oo hubka dhigeysa & heshiis cusub oo la kala saxiixday (Sawirro)

Jabhada xoreynta Ogadenia ee ONLF oo ka mid aheyd Ururrada ka dagaallami jiray Ismaamulka Soomaalida ayaa hubka dhigis lagu sameeyay ka dib heshiis ay la galeen dowladda Federaalka ah ee Itoobiya iyo Ismaamulka Soomaalida.

Munaasabad ka dhacday Magaalada Jigjiga ayaa Ismaamulka iyo hoggaamiyayaasha ONLF waxay ku kala saxiixdeen heshiis ay hubka ku dhigeyso ONLF.

Ciidamada ONLF ee hubka laga dhigay oo tiradoodu gaareysO 1,740 nin ayaa hubkooda waxaa lagu wareejiyay Ismaamulka Soomaalida.

Qodobada kale ee la isku afgartay waxaa ka mid ah in Ismaamulka Soomaalida iyo ONLF ay si wadajir ah uga shaqeeyaan danaha dadka degaanka, iyagoo kaashanaya qeybaha bulshada.

Ciidanka hubka dhigista lagu sameeyay ayaa fursad u heysta inay ka mid noqdaan ciidanka amaanka ee dowlad degaanka ama inay noqdaan shaqaalaha dowlad degaanka Soomaalida.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka socday dhinaca dowladda Federaalka ah ee Itoobiya, hoggaanka Ismaamulka Soomaalida iyo Madaxda Ururka ONLF, waxaana arintan lagu tilmaamay mid taariikhi ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Dowladda Kenya oo ka hadashay Wadahadalada u bilaabanaya Soomaaliya iyo Somaliland

Cabdi Cade

Mid kamid ah shaqaalada xawaaladda TAAJ oo lagu dilay dalka Mareykanka

Cabdi Cade

Jilaagii Guursaday Gabadha Soomaaliyeed oo la siiyay Dhalashada dal Afrika kuyaala  

Cabdi Cade
Taboola Ads ---