Allbanaadir.com
NEWS

Hogaamiyaha Guud ee Ahlu Sunna oo si diiran loogu dhoweeyey Dhuusamareeb (Daawo Sawirro)

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha ahlu sunna Waljameeca Macalin Max’uud Shiikh Xasan ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug.

Macalin Maxamuud Shiikh Xasan ayaa ka soo laabtay safaro uu muddo dhowr Bilood ah ku soo marayey wadamo dibada ah.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug uuna ugu horeeyo Madaxa Xukuumada Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo qeybaha bulshada magaalada Dhuusamareeb ayaa si diiran u soo dhoweeyey wafdigan.

Macalin Max’uud Shiikh Xasan Faarax Guddoomiyaha Guud ee Ahlusunna Waljamaaca ayaa ka mid ahaa xubnihii gacanta wayn ka gaystay Heshiiskii ay ku midoobeen Ahlu Sunna iyo Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Masuuliyiin iyo Saraakiil Ciidan oo qiimeyn ku sameeyay Stadium Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo Goobjoog ka noqday Heshiis ku kacaya 7.4 Milyan Dollar (Sawirro)

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo ka hadlay xiisaada ka soo cusboonaatay Galmudug iyo Ahlu sunna

Caydiid Ali
Taboola Ads ---