Allbanaadir.com
NEWS

Akhriso: Qodobo lagu yareyn karo saameynta abaaraha Somalia ku soo laalaabta oo la soo saaray

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in afar wado lagu yareyn karo Macluusha iyo abaaraha ku soo laalaabtay Soomaaliya Sanadihii ugu danbeeyay.

Warbixin ay soo saartay QM ayaa lagu sheegay in dowlada Soomaaliya iyo Hay`adaha gargaarka ay la hardamayeen sanadihii ugu dambeeyay abaarihii dalka Soomaaliya ka dhacay.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 5.4 Milyan oo ruux ay hadda u baahan yihiin gargaar bini aadamnimo oo loo fidiyo, waxayna tilmaantay in dhibaatooyinka faraha badan ee haysta dadka danta yar lagu yareyn karo afar qodob oo kala ah.

1-In la bixiyo Cuno iyo lacag kaash ah oo la siiyo dadka la il daran macluusha, si ay ugu maareeyaan noloshooda kuwaasoo ku nool qaar ka mid ah gobolada dalka.

2-Sidoo kale in lala dagaalamo Macluusha, taasoo ay tilmaameen inay tahay midda ugu daran ee haysato dad u nugul ee ku jira xeryaha Bara-kacayaasha ah ee ku yaala dalka.

3-In guryo loo sameeyo 1.2 milyan oo ruux oo guryo la`aan ah, kuwaasoo u nugul qoraxda, dhaxanta, iyo roobabka.

4-iyo Isbadalka Cimilada oo Qaramada Midoobey ay sheegtay iney qeyb ka tahay dhibaatooyinka haysta dadka ku dhibaateysan xeryaha Barakacayaasha ah ee Soomaaliya, kuwaasoo roob la`aanta jirta darteed ay sababtay inay waxba beeran waayaan, abaarhii dalka ka dhacayna ay sababeen in xoolihii ay dhamaadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Muqdisho iyo khasaaraha…

Cabdi Cade

Puntland ayaa sheegtay inaysan aqoonsaneyn Hey’adda Shidaalka Soomaaliya (Akhriso)

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Wararkii u dambeeyey howlgalo ka socda Magaalada Dhuusamareeb

Caydiid Ali
Taboola Ads ---