Iyadoo maanta ay ku beegan tahay 8-da Febraayo oo ku asteysan sanad-guuradii labaad ee ka soo wareegtay doorashadii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa ka bilowday qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho bixinta adeeg caafimaad oo bilaash ah.
Xarumo lagu xardhay sawirka Madaxweyne Farmaajo ayaa kooxo kalkaaliyeyaal caafimaad iyo dhaqaatiir ay dadka ugu sameynayaan baaritaan caafimaad iyo daweyn bilaash ah.
Goobo dhowr ah oo ku yaalla magaalada Muqdisho ayay ka socotaa baaritaanka caafimaad lacag la’aan ah, iyadoo dadka ay safaf ugu jiraan.
Dadka ka faa’ideysanaya barnaamijkan adeega caafimaad ee lacag la’aanta ayaa waxaa ka mid ahaa dad da’ ah iyo dadweyne kale oo dan yar ah, kuwaasoo aan awoodin baaritaanada caafimaad ee Isbitaalada Muqdisho.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.comÂ