Weerar Bam gacmeed loo adeegsaday ayaa caawa lagu qaaday ciidamo Boolis ah oo fariisin ku lahaa xaafada Suuqa xoolaha ee magaalada Muqdisho sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya xaafadaasi.
Qaraxa ka dhashay bam gacmeedka ayaa si weyn looga maqlay xaafadda Suuqa xoolaha oo weerarro joogto ah ay ka dhacaan iyo degmooyinka ku dhow.
Wararku waxay sheegayaan inay qaraxa ay ku dhaawacmeen labo askari oo ka tirsan ciidanka Booliska ee halkaasi fariisiinka ku lahaa, waxaana la maqlay rasaas qaraxa ka dib
Nin la sheegay inuu weerarka bam gacmeedka qaaday ayaa la sheegay inay ciidamadu toogteen, iyadoo markaas kadib ay halkaasi gaareen ciidamo gurmad ah oo baaritaan ka sameeyay xaafadaha halkaas ku dhow.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ninka la toogtay uu dhaawacmay halka warar kalena sheegayan inuu geeriyooday, lamana xaqiijin karo inuu ahaa qofkii ka dambeeyey bamkan iyo in kale.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com