Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sawirro: Shirkii Shidaalka Somalia oo lagu soo gebagebeeyey London (Maxaa ka soo baxay?)

Magaalada London ee dalka Britain waxaa maanta ka furmay shir looga hadlayo arrimaha shidaalka Soomaaliya oo ay ka qeyb galayaan Shirkadda Spectrum ee dalka Norway laga leeyahay oo sahan ku sameysay shidaalka Soomaaliya iyo shirkado kale oo ay casuuntay iyo dowladda Soomaaliya.

Shirkan oo muddooyinkii u dambeeyay si weyn loo hadal hayay ayaa goor dhow la soo gebagebeeyey, waxaana ka hadlay masuuliyiin ka tirsan Xukuumada federaalka Somalia iyo shirkadda Spectrum.

Wasiirka batroolka Somalia oo shirkaas ka hadlay ayaa sheegay in la soo bandhigay xog ururin sahan lagu sameeyey shidaalka ku jira Somalia, wuxuuna xusay in shirkan uu faa’iido badan u leeyahay shacabka Soomaaliyeed.

Intii uu shirkan socday waxaa lagu soo bandhigay natiijada ka soo baxday sahan dhinaca shidaalka ah oo lagu sameeyey Somalia, waxaana lagu cadeeyey in xeebaha dalka laga helay batrool badan sidaka muuqata qoraalada iyo jaantusyada ku jira sawirada hoose oo muujinaya natiijada sahanka la sameeyey.

Ka qeyb galayaasha shirkan oo ay ku jireen Soomaali ka kala socotay qeybaha bulshada ayaa sheegay inaan lagu soo hadal qaadin shirka xaraash ama arrimo la xiriira shirkado qandaraas lagu siiyey iney soo saaraan shidaalka

Siyaasiyiin iyo qaar ka mid ah aqoonyahanka Soomaaliyeed ayaa horey walaac uga muujiyey shirkan, iyagoo ku tilmaamay mid lagu beylahsanayo Shidaalka Soomaaliya, maadaama aaney jirin sharciyo iyo xeerarka Batroolka.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com london-Uk
Allbanaadir@live.com

Related posts

DFS oo shaacisay in Puntland ka diiday qorshe ay ciidamo uga qoran layaaheen ….

Cabdi Cade

Guddiga doorashada federaalka oo sheegay ineysan waxba ka jirin natiijada kursiga HOP204

Caydiid Ali

Shir Muqdisho uga socda Madaxda Dowlada Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---