Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Malaayiin dollar kaash ah & dahab lagu qabtay xadka Soomaaliya & Itoobiya (Daawo Sawirro)

Itoobiya ayaa sheegtay in lacago laga leeyahay 12 dal iyo 7 kiilo oo dahab qayriin ah oo ka bixi lahaa xadka xadka Somalia iyo Itoobiya gacanta lagu dhigay.

Wasiiradda Dakhliga Itoobiya Adanech Abebe ayaa sheegtay lacagaha la qabtay ay isugu jireen 8,200 oo Euro, 31,990 Giniga Istarliinka ah, 25,665 Dollarka Kanada, 8,800 oo dolarka Australia, 1,393 Diinaarka Kuweyt, 690 Lacagta Switzerland, 80,870 Kirownka Norway, 4,810 Riyalka Qadar, 72, 725 Dirhamka isutagga Imaaradka, 904 riyalka Baxreyn, 734,088 Riyaalka Sufa, 4 lacagta cumman iyo 7 Kiilo oo dahabka qayriin ah”

Laamaha ammaanka dalka Itoobiya ayaa gacanta ku dhigay shaqsiyaadkii looga shakiyey iney lacagtaasi dalka si sharci darra ah uga saarayeen.

Adanech Abebe oo u mahad-celisay xogta ay Wasaaradda soo gaarsiiyeen iyo iskaashiga ay had iyo jeer la leeyihiin iyadoo sheegtaty haddii ay dowladda shacabka mar waliba iskaashadaan in wax weliba guul laga gaarayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Dil ka dhacay Gaalkacyo iyo Booliska Puntland oo qabtay ninkii geystay

Caydiid Ali

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo La Kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle

Cabdi Cade

Taliye Mahad Salad oo la afuray ciidamo ku sugan Kontrolada Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---