Allbanaadir.com
NEWS

Duqa Muqdisho oo magacaabay Guddi baaritaan ku sameeya sababta barakacayaasha xoogga looga saaray Duleedka Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa guddi baaritaan u saaray kiiska dad barakacayaal ah oo dhammaadkii sanadkii tagey xoog looga saaray dhul ay deganaayeen.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa faray Guddiga uu magacaabay in baaritaan deg deg ah oo hufnaan iyo daah furnaanba leh ay ku sameeyaan habkii looga saaray dhul ku yaalla deegaanka KM 13 dadkii barakacayaasha ahaa ee daganaa.

Guddoomiye Yarisow waxa uu sheegay in magacaabista Guddigan ay salka ku hesyo cabashooyin is-daba joog ah oo ay Gobolka u soo gudbiyeen dadkii barakacayaasha ahaa, iyagoona tilmaamay in lagula-kacay xad-gudub iyo gabood fal.

Guddoomiyaha ayaa xaqiijiyey sida ay uga go’antahay maamulkiisa wax ka qabashada xad gudubyada ka dhanka ah dadka nugul, iyadoona xoogga la saari doono sidii kor loogu qaadi lahaa ilaalinta Xuquuqda Aadanaha iyo sharciga.

“Ma qaadan karno in dhagaha aan ka fureysanno tabashooyinka ay qabaan dadka barakacyaasha ah. Maamul ahaan waxaa naga go’an in aan dhidibada u taagno hannaan ku saleysan ilaalinta sharciga iyo xuquuqda muwaadinka. Si taas loo gaarana waa in aan tixgelinnaa dhammaan tabashooyinka ay qabaan bulshada ku dhaqan Gobolka.” Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Guddiga loo xil-saaray arrinkan ayaa ka kooban shan xubnood waxaana hoggaamineysa Guddoomiye ku-xigeenka dhanka Arrimaha Bulshada ee Gobolka Marwo Basma Caamir Axmed, iyadoona xubnaha kale ay kala yihiin, Maxamed Ismaaciil Cabdullaahi, Zakiya Axmed Xuseen, Mahad Xuseen Axmed iyo Drs Hodan C/laahi Cali oo ka kala tirsan Hay’adaha xuquuqul Insaanka, Maamulka Gobolka iyo bulshada rayidka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gudoomiye Mursal oo go’aan ka qaatay dacwadii uu ku hanjabay Fahad Yaasiin

Caydiid Ali

Muhaajiriin badan oo kusii jeeday Yurub oo geeriyooday iyo kuwa la bad baadiyay

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Dal oo Dhagax Madaxa looga dhaawacay !! (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---