Allbanaadir.com
NEWS

Gantaal laga riday gudaha Siiriya oo bur buriyay Diyaarad ay leedahay Isra’il (Daawo Sawirro)

Diyaarad dagaal oo nuuceedu yahay F-16 oo ay leedahay maamulka Israa’iil ayaa bur burtay kadib markii lala helay gantaal nuuca lidka Diaaradaha ah oo laga riday gudaha dalka Siiriya.

Warbaahinta Israa’il ayaa ku warantay in diyaaradan dagaal ay duqeysay fariisimo ay Iiraan ku leedahay gudaha Siiriya, waxaana markii dambe diyaaradan lagu bur buriyay gantaal lagu riday .

Labo Duuliye oo la socday diyaarada Israa’il ee la bur buriyay ayaa la sheegay in ay bad baadeen kuna dageen baarashood ay wateen, diyaaradan ayaana kusoo dhacday Waqooyiga Israa’iil.

Israa’il ayaa sheegtay in diyaaradeeda dagaalka ee F-16 ay waday weeraro ay kaga jawaabaysay diyaaradaha aanay cidina wadin ee ay Iiraan leedahay oo gudaha u soo galay Israa’iil.

Dowlada Siiriya ayaa war ay soo saartay laguna baahiyay Talefishinka dalkaasi ayaa lagu sheegay in ciidamada Difaaca cirka ee Siiriya ay gantaal la heleen diyaarad Israa’iil leedahay oo ku dhaqaaqday fal daan daansi ah.

Diyaaradaha dagaalka Israa’il ayaa marar badan duqeymo ka fuliyay gudaha dalka Siiriya, waxa ayna diyaaradahan beegsadeen saldhigyo Ciidamada Siiriya ku leeyihiin gudaha dalkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Mukhtaar Nuur Geesey oo lagu dilay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Wararkii Ugu dambeeyay Weerarkii Al Shabaab ku qaadeen Baar Sanguuni

Cabdi Cade

Sidee Magaalada Janaale ku gashay gacan dowlada somaliya 10 sano kadib!! (Warbixin)

admin
Taboola Ads ---