Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaano Soomaaliyeed oo Xasaanada laga qaaday iyo Sababta keentay

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Jigjiga ayaa xasaanada ka qaaday 12-Xildhibaan oo katirsan Baarlamaanka maamulkaasi.

Sida aan wararka ku heleyno Xildhibaanada Xasaanada laga qaaday ayaa ahaa Xildhibaano aad ugu dhawaa Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo hada ku xiran xabsi kuyaala Adis Ababa.

Xildhibaanada maanta Xasaanada laga qaaday ayaa la sheegay in ay ku tunteen xaquuqda Aadanaha sidoo kale ay ku kaceen falal musuq maasuq ah, waxaa sidoo kale Xildhibaanada xasaanada laga qaaday lagu tuhmayaa falal dambiyeedyo kale.

Xildhibaanada Xasaanada laga qaaday waxaa kamid ah afhayeenkii hore ee baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida Maxamed Rashiid Isaaq iyo madaxweynihii kumeel gaarka ee Dowlad deegaanka Axmed Cabdi Ilka Case.

Xeer ilaaliyaha guud ee dowlad Deegaanka Soomaalida, Cabdiweli Jaamac ayaa Warbaahinta u sheegay in Xildhibaanada Xasaanada laga qaaday ay Hay’adaha sharciga u ogolaaneyso in ay la xisaabtamaan ayna geeyaan sharciga.

Xildhibaanadan Xasaanada laga qaaday ee ku dhawaa Madaxweynihii hore ee Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa la filayaa in dambiyo lagu soo oogo lana horgeeyo qaarkood Maxkamado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com   

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Amar saameenaya Wasiiradda siiyay Wasiirka Maaliyadda

Cabdi Cade

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay Madax ka tirsan dowlada Qatar (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Jawiga ciida ee Magaalada Jowhar iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe oo..(Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---