Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlada Imaaraadka Carabta oo Eedeyn culus loo soo jeediyay

Ha’yadda Amnesty International ayaa ku eedeesay dowlada Imaaraadka Carabta in ay hubeesay kuna taageertay agab milatari oo kala duwan maleeshiyaad ka dagaalama dalka Yemen .

Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay hub asalkiisu ka helay dalka Mareykanka in uu ku taageeray maleeshiyaad hubeesan oo ka dagaalama dalka Yemen, waxaana maleeshiyaadkaasi la sheegay in hubkaasi ku geestaan dhibaatooyin.

Warbixin ay soo saartay Ha’yadda Amnesty International ayaa lagu sheegay in dowlada Imaaraadka gaar ahaan ciidankooda ku sugan dalka Yemen ay maleeshiyaad siiyeen gaadiid gaashaaman, madaafiic iyo hub kale oo badan.

Dowlada Imaaraadka ayaana wali si rasmi ah uga hadlin eeda uga timid Ha’yadda Amnesty International , waxa ayna dowlada Imaraadka kaliya beenisay in ay jebisay xeerka hubka uu kasoo dhoofsado Mareykanka.

Sargaal sare oo katirsan dowlada Mareykanka ayaa shaaciyay in baaritaano lagu sameenayo hubka Imaaraadka ka helay Mareykanka uu ku wareejiyay maleeshiyaadka hubeesan ee ka dagaalama dalka Yemen.

Dowlada Imaaraadka ayaa qeyb ka ah Isbaheysiga Sacuudiga hogaaminayo ee ku duulay dalka Yemen, waxaana colaada Yemen ka aloosan la sheegay in ay ku dhinteen dad ka badan 68,000 kun oo qof .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxwayne Xasan Shiikh “Hoggaanka dalka iyo DF waxaan u sheegayaa inay waantoobaan, caqligna usoo noqdo !!

admin

Wasaarada Amniga oo ka hadashay Madaafiicdii lagu weeraray xarunta Xalane

Cabdi Cade

Shirka Dhuusomareeb oo lagu kala tagay iyo dadaalo lagu bad baadinayo shirkaasi oo socda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---