Allbanaadir.com
NEWS

Shir Sanadeedka Garsoorka Dalka oo markii ugu horeesay la qabtay (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho markii ugu horeysay ka furmay shir sanadeedka Garsoorka dalka, waxaana daah furka shirkan kasoo qeyb galay Madax kala duwan oo dowlada federaalka katirsan.

Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Baashe Maxamed ayaa daah furay shirkan oo looga hadlayay waxyaabaha u qabsoomay sanadkii hore Hay’adaha garsoorka dalka iyo waxa la rabo in sanadkan cusub la qabto.

Gudoomiyaha Maxkamada sare oo ka hadlay furitaanka shirka ayaa ka hadlay waxyaabaha u qabsoomay Hay’adda garsoorka dalka sanadkii ugu dambeeyay, waxa uuna sheegay in wax badan oo muhiim ah marqaatina laga yahay u qabsoomay sanadkii tagay.

Waxaa sidoo kale shirkan kasoo qeyb galay kana hadlay Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka iyo Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya, kuwaa oo dhankooda ka hadlay Garsoorka dalka iyo sida looga baahan yahay in cadaalada laga shaqeeyo.

Shirkan maanta furmay ayaa la filayaa in beri lasoo xiro, waxaan gabo gabada shirka la filayaa in laga soo saaro War Murtiyeed ku aadan qodobada kasoo baxay shirka labada maalin uu socday.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddiga Doorashooyinka oo Beeniyay Qoraal baraha Bulshada lagu baahiyay

Cabdi Cade

Qarax aad u xoogan oo goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo rasaas dhaceysa

Cabdi Cade

Qarax ka dhacay magaalo kutaalla dalka Sweden iyo Faah faahino kasoo baxaya (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---