Allbanaadir.com
NEWS

Donald Trump Oo Sabab U Noqday In Manchester United Qasaaro Lixaad Leh La Kulanto

Manchester United ayaa la dhibtooneysa qasaarahii dhaqaale midkii ugu weynaa sideedii sano ee lasoo dhaafay waxeyna tani timid markii Donald Trump uu dib u habeyn ku sameeyay canshuurta dalkiisa mareykanka.

Red Devils waxaa loo sheegay iney bixiyaan canshuur dhan 48.8 Malyan Oo Pound taasoo ka dhigan iney dhexda ka galeen qasaaro 29 Malyan oo Pound ah muddo lix bilood ah, sida lagu xaqiijiyay shirka ay khamisitii isugu yimaadeen maagashadayaasha kooxda.

Tani waxey ka dhigan tahay qasaarahii ugu weynaa ee soo gaara Red Devils muddo sideed sano ah, waxeyna dib u xasuusanayaan qasaaro lixaad leh oo soo gaaray 2010 markaas oo ay lumiyeen aduun dhan 65.8 Malyan oo Pound, waqtigaan oo kale sanadkii hore waxey xaqiijiyeen iney heleen faa’iido dhan 18.7 Malyan oo Pound.

Red Devils waxey fahamsan tahay iney kaliya ku eedeyn karaan Donald Trump kaas oo canshuur dheeraad ah kusoo rogay shirkadaha mareykanka taasoo keentay qasaaraha kooxda soo gaaray, waxeyna tani imaaneysaa xilli Donald uu isku dayayo inuu dhaqaajiyo dhaqaalaha dalkiisa.

Shirkado badan oo caalamka ah ayey saameyn ku yeelatay arintaan, sarkaalka ugu sareeya dhanka dhaqaalaha kooxda ayaana xaqiijiyay in arintaan ay tahay mid albaab kale u fureysa kooxda isla markaana ku jiideysa iney sanado kale dhaqaale fara badan sameeyaan.

W/Q Abdirashid Mohamud

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saciid Ciise: “In dalka laga saaro ciidanka Itoobiya & Kenya Waxay horseedeysaa..”

Caydiid Ali

Digniinaha halis-wadareed ka kooban afar tiir oo laga shiray

Cabdi Cade

Nin hubeysan oo dad badan ku toogtay dalka Maraykanka (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali