Wiil dhalinyaro ayaa caawa lagu dilay xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho ka dib markii uu rasaas ku furay askari ka tirsan ciidamada dowladda.
Dilka wiilkan ayaa ka dhacay Xaafad Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, magaalada Muqdisho, waxaana wiilka dhalinyarrda ahaa oo lagu magacaabi jiray Shuceyb Biibaaye xilliga la dilayey uu ku sugnaa goob Maqaayad ah oo uu lahaa.
Dadka degaanka ayaa sheegaya in askariga dilka geystay la qabtay, iyadoo ciidamada amniga ay gaareen halka uu ka dhacay dilka.
Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa ka mida dhinacyada ugu badan ee dilalka u geysta dadka rayidka ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com Â