Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Xasan Sheekh oo saakay Hoygiisa ku booqday Ugaas Xasan Ugaas Khaliif (Daawo Sawirada)

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafti uu hogaaminayay oo shalay gaaray magaalada Baladweyne ayaa saakay booqasho ku tagay guriga uu Baladwene ka degan yahay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif .

Ugaaska Xasan Ugaas Khaliif ayaa Howgiisa kusoo dhaweeyay Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ee booqashada ugu yimid, waxa uuna sheegay in uu ku faraxsan yahay in Baladweyne yimaado Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Xildhibaan C/risaaq Cumar wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya, qeybna ka ah wafdiga Xasan Sheekh  ayaa sheegay in booqashada iyo kulanka ay maanta ugu tageen Ugaaska uu yahay mid horu dhac ah ayna jiri doonaan kulamo kale.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hada ah Gudoomiyaha xisbiga Mucaaradka ee Midowga Nabadda iyo Horumarka ayaa shalay booqasho ku tagay magaalada Baladweyne ,halkaas ay maalmo joogi doonaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidankii ku sugnaa Isgooska Siinay oo Xabsiga la dhigay iyo Duqa Muqdisho oo ka hadlay

Cabdi Cade

Guddiga Doorashada Hirshabelle oo hakiyay Guddiga xulista ergada labo kursi oo horey loo shaaciyay

Cabdi Cade

Dil goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Carro xooggan oo ka dhalatay dilkaasi

Cabdi Cade
Taboola Ads ---