Allbanaadir.com
NEWS

Booliska dowlada Kenya oo gacanta ku dhigay Sadia Matani iyo faahfaahin laga bixiyey

Guddoomiyaha degmada Kalifi ee dalka Kenya Magu Mutindika ayaa sheegay in Laamaha ammaanku ay Haweeney 44 jir ah lagu magacaabo, Saidia Matani ku qabteen Magaalada.

Shakiga ayaa yimid markii haweeneydan ay diidday in la baaro.

Mr. Mutindika ayaa sheegay in Haweeneydan laga helay Saddex Baasaboor oo ay lahaayeen Dad kala duwan, wuxuuna intaa raaciyay in loo soo bandhigi doono baarayaasha ku shaqada leh arrimahan.

Guddoomiyaha ayaa intaa raaciyay inay hayaan raadad caddeynaya inay Haweeneydani ku lug leedahay kooxaha Argagixisada, waajibna ay ku tahay inay qabtaan qofkii ay ka shakiyaan isla markaana ay sharciga la tiigsadaan.

Weli lama shaacin Waddanka ay haweeneydan ka soo jeeddo, iyadoo sida ay masuuliyiinta degaankaasi sheegeen lagu samayn doono baaritaanno dheeri ah si xog buuxda looga helo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Puntland oo shaqo joojin ku sameysay masuuliyiin lagu eedeeyey Musuqmasuq (Akhriso)

Caydiid Ali

Taliska Booliska Somalia oo soo saaray digniin culus oo la xiriirta dabaaldega 1-da Luulyo

Caydiid Ali

Koox hubeesan oo Hanjabaad culus hawada u marisay Dowlada Turkiga iyo Ciidankeeda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---