Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamada Caalamiga ah ee danbiyada oo baaritaan ku bilowday Madaxweyne caan ah

Maxkamada Caalamiga ah ee Danbiyada  oo xarunteedu tahay magaalada Hague ee dalka Holland ayaa baaritaan ku bilowday dacwad laga gudbiyey Madaxweynaha Filibiin Rodrigo Duterte.

Dacwadan ayaa la xariirta dil loo geystay in ka badan afar kun oo qof oo ay ciidamada Filibiin dileen tan iyo intii uu bilowday dagaalka ka dhanka ah Daroogada oo uu Madaxweynaha Filibiin shaaciyey sanadkii 2016kii.

Waxaa lagu eedeynayaa inuu booliiska uu awood dheeraad ah u siiyey si sharci daro ah iney u dilaan dad rayid ah oo qaarkood aan wax danbi ah gelin kuwaasoo lagu tuhmay iney ku lug leeyihiin arrimo la xiriira daroogada.

Qareen u dooda xaquuqul Insaanka dalka Filibiin ayaa dacwadan ka gudbiyey Duterte.

Isagoo ka hadlayey arintan ayuu Duterte sheegay in dacwadan ay tahay waqti dhumis isagoo sheegay inaysan jirin wax danbi ah oo uu galay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dugsi casri ah Oo Bishaaro Qiimo Badan U Sida Qurbajoogta Soomaaliyeed

admin

Madax Kala duwan oo ka hadlay Weerarkii Kismaayo iyo Wararkii ugu dambeeyay

admin

DEG DEG: Xassan Shiikh oo shaaciyey in laga helay cudurka COVID-19

Caydiid Ali
Taboola Ads ---